Sheeko Xikmad + Qosol Leh!

SHEEKO GAABAN OO XIKMAD LEH

Waqti aan waqtigaan ahayn waxaa si wada jir ah uwada noolaa Nin ganacsade ah, Xaaskiisa, iyo Caruur ay dhalayn. Qoysku aad ayay noloshoodu ugu raaxaysanayeen, waxay lahaayeen digaagad qurux badan, maalin kastana waxay maalin kasta dhali jirtay Ukun Dahabi ah oo ay lacag badan ka heli jireen, lkn ninka maku qanacsanayn waxa uu maalin kasta helaayay.


Waxa uu rabay inuu Ukumaha oo idil mar qura ka wada helo digaagadda, Waxa uu ku fikiray sida arintaa ay u dhici lahayd, isla markiiba waxaa kusoo dhacday fikrad ah inuu digaada dilo si uu u helo Ukumaha Dahabiga ah oo wada jira.

Digaagaddii ayuu soo qabtay qoorta ayuuna ka jaray, jirkeeda ayuuna jaray.

Lkn waxa uu arkay dhiig socda oo kaliya, aad ayuuna u shoogay sababtoo ah hal ukun xitaa ma uusan arkin, Noloshii qoyskana waxaa soo hareeyay Faqiirnimo.

:: Xikmadda sheekada::
[Qofkii wax badan Dacmiya, Dhamaan ayuu waayaa.]

Waxaa qoray Abdirahman Looskey


 

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro
Shilinkaabe | Lacagaha ku qoro

Words Note App | Qoro Erayada cusub

Words Note App | Qoro Erayada cusub
Words Note App

Like Us On Facebook

Loogu aqris badan yahay

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD Waxaa jirta waddooyin badan oo lagu baran karo luuqadda aad rabto (English), waxaad ku baran kartaa    1. Aqrin ...

Kuwo laga yaabo inaad xiisaynayso