Sheeko Xikmad Leh

SHEEKO XIKMAD LEH

Marwo ayaa waxay reerkeeda u karin jirtay Rooti(Roodhi) subax kasta, waxay ku dari jirtay hal xabbo oo dheeraad ah oo ay ugu talo gashay qofkii wadada(dariiqa) soo maro inuu qaato, waxayna u galin jirtay Qaanad yar. 

Waxaa subax kasta wadada soo mari jiray markii ay rootiga dhammayso Nin geedo qoroow ah oo shaqadiisa usocda, rootigana Qaanada ayuu kala bixi jiray, waxa uuna ku dhihi jiray isagoo hoos u hadlaya: "Xumaanta aad samayso adiga ayay kula joogtaa, Wanaaguna Adiga ayuu kuu soo laabtaa!".

Sidaa ayaa maalin kasta dhici jirtay, Ninkii geedo qoroowga ahaa Wadada ayuu soo maraa rootigana wuu qaataa isaga oo erayadaa hal-hays ka dhigtay. Marwadii ayaa ka carootay hadalka ninka uu ku celcliyo maalin kasta oo is tiri: "xitaa mahadsanid ima uusan dhihin! muxuu kala jeedaa erayadaas?!".

Waxay go'aansatay inay rootiga sun ugu darto, markii ay damacday inay rootiga sumaysan Qaanada ugaliso ayaa gacanteedi jaraysay, oo ay isla yaabtay. Markaas ayay Rootigii sumaysna dabka ku tuurtay oo Rooti kale soo qaadatay kadibna Qaanada ayay ugalisay. 

Ninkii geedo qoroowga ahaa ayaa subixii imaaday wuuna qaatay rootigii isagoo erayadii leh sidii ay caadada u ahaydba.

Dhanka kale, Marwada waxaa in muddo ah ka maqnaa wiil ay iyadu dhashay oo ay aad u jeclayd inay mar uun hesho isaga oo nabad qaba.

Habeenkii ayaa Albaabka lasoo garaacay, markii ay furtaba waxay aragtay wiil daruufi ka muuqato oo Albaabka hor taagan, markiiba way qarracantay oo waxay xaqiiqsatay inuu wiilkedii yahay, isla markiiba wiilkii ayaa ku yiri: "Hooyo, waxaa mucjiso kugu noqotay inaan halkan taaganahay, fogaan badan ayaan soo jaray, wadadana baahi ba'an ayaa igu qabatay oo waxaan ku sigtay inaan dhinto, lkn nin geedo qoroow ah ayaa hal xabbo oo rooti ah isiiyay oo iguna yiri: "Maalin kasta rootigaan ayaan cunaa, maanta adiga ayaa iga baahi badan ee hoo qaado". Markii ay erayadaa maqashay ayaa wajigeedii is badalay oo murugootay.

Waxay ogaatay Rootigii ay maalintaa sumaysay inuu wiilkeeda cuni lahaa haddii ay Qaanada ugalin laheed ninkii geedo qoroowga ahaa, lkn ma dhicin, waxayna so xasuusatay hadalkiisii ahaa: "XUMAANTA AAD SAMAYSO ADIGA AYAY KULA JOOGTAA, WANAAGUNA ADIGA AYUU KUU SOO LAABTAA!".

-Waxaa hubaal ah inaad heli doonto wixii aad maanta beerato miriihooda!
Waxaa qoray Abdirahman Looskey

(c) Orbit Islam
sheeko xikmad leh
sheeko xikmad leh
*haddii aad rabto inaad sawirkaan dajisato tilmaamahan raac:
       - ka kici websitekaan Google Chrome ama Browseka noocii kuugu jiro
       -sawrika xoog u riix
       -kadibna ku dhufo "save" ama "download"



 

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro
Shilinkaabe | Lacagaha ku qoro

Words Note App | Qoro Erayada cusub

Words Note App | Qoro Erayada cusub
Words Note App

Like Us On Facebook

Loogu aqris badan yahay

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD Waxaa jirta waddooyin badan oo lagu baran karo luuqadda aad rabto (English), waxaad ku baran kartaa    1. Aqrin ...

Kuwo laga yaabo inaad xiisaynayso