Sheeko Gaaban oo Xikmad leh


Sheeko Gaaban oo Xikmad leh



Fasalku maalintaa aad ayuu ubuuxay, Macalinka ayaa inoo sheegay in maalintaa ay jirto Cashar Muhiim ah, Waxaan is iri Qofka u horeeya ee fasalka taga noqo, lkn dad badan ayaa iiga soo hormareen.

Macalinkeenii ayaa inoo soo galay, Waxa uuna inoo qaybiyay Warqad yar oo maran (madhan), Waxa uu yiri: "Qof kasta magaciisa Halkaa haku qoro", magacyadeenii ayaynu ku qornay, waana u dhiibnay.



Wax yar ka dib Warqadihii ayuu hal qol/fasal ku arooriyay, wuxuuna yiri: "Qof kasta warqada magaciisu ku qoray hakusoo qaato 5daqiiqo gudahooda", Waxaan u orday qolkii ay warqaduhu ku jireen, si aan warqadayda usoo qaato, lkn qof kasta ayaa isna raba inuu warqadiiisa qaato.



Si kasta aynu isku ciriirinaba Qofna ma helin warqadii ay Magaciisu ku qornayd. Macalinkii ayaa yiri: "Joojiya! Markaan isku daya, Qofka Qofkale warqadii helaa inuu siiyo qofka magaciisa ku qoran yahay". Daqiiqado yar gudohooda ayuu Qof kasta oo inaga naga mid ahi ku helay warqadiisa.



Macalinkii ayaa Qudbo u istaagay: "Marar badan nolosheena sidan oo kale ayaa ku dhacda, Qof kasta wuxuu meelkasta ka raadinayaa Farxad, Mana yaqaano meel ay ka xigto. Farxadeenu Waxay ku jirtaa qof kale farxadiisa, Sii Farxadiisa, Waxaad helaysaa Farxadaada, Tanina Waa nolosheena! ", Waxaa Yiri Macalinkeenii, qof kastana isagoo faraxsan ayuu Guriga aaday.

Waxaa qoray Abdirahman Looskey


Xikmad
Xikmad Cajiib ah



 

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro
Shilinkaabe | Lacagaha ku qoro

Words Note App | Qoro Erayada cusub

Words Note App | Qoro Erayada cusub
Words Note App

Like Us On Facebook

Loogu aqris badan yahay

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD Waxaa jirta waddooyin badan oo lagu baran karo luuqadda aad rabto (English), waxaad ku baran kartaa    1. Aqrin ...

Kuwo laga yaabo inaad xiisaynayso