Sheeko Xikmad leh
Bari baa waxaa wada noolaan jiray Bakayle iyo Diin (Dii-diin), Bakayluhu aad ayuu ugu faani jiray orodkiisa xawaaraha ku dheehan. marka uu arko Diinka wuu ku qosli jiray, isagoo la yaaban socodkiisa gaaban (tartiibta ah).
Diinkii ayaa ku yiri: "Haddii labadeena tartan orod ah aan galno kawaran?! ".
Bakaylihii: "Oo ma adiga socodkaan leh!!".
Diin: "Haa".
Waxay go'aansadeen in ay tartanka bilaabaan, Dawaco ayay Garsoore ka dhigteen. Tartankii ayaa bilawday, Bakaylihii aad ayuu u orday, Diinkiina gadaal dambe ayuu soo jiitamayay.
Markii uu Bakaylihii cabaar socday ayuu istaagay si uu geed hoostiisa ugu nasto, hurdo ayuuna la dhacay, Diinkii oo dadaalaya ayaa soo dhaafay Bakaylihii oo hurdaya, waxa uuna gaaray xariijintii guusha. Bakaylihii ayaa soo kacay, intii uu ordi karay ayuu orday laakiin Diinkii ayaaba uga hormaray xajiintii Guusha. sidaa ayay Diinkii Guusha ku raacday!.
-----------------------
Xikmadda sheekadan ku jirta:
Hadiiba mar aad dadaal sameenaysid si aad u gaarto hadaf gooni ah, si kasta dadaalkaaga ha uliito, laakiin waxaa hubaal ah inaadan dadaalkaaga ku qasaaraynin, natiijadaadana eber ma noqon doonto.
Waxaa Qoray Abdirahman Looskey
![]() |
xikmad |