Go'aan - Xikmad + Sheeko

xikmad

Sheeko Xikmad Leh

Hada ka hor, Axmed waxa uu rabay inuu Safar u baxo, Dhamaan dhalin-yarada uu Axmed safar-wadaaga la ahaa waxaa lagu wargaliyay inay Alaabta Safarka ay soo qaadaan, si safarkooda ay u ambaqaadaan.

Axmed waxaa uu soo qaatay Kiish ay ku jiraan Rooti, waxa uu ahaa Kiishka ugu culus, waxuuna ahaa Midka ay safarayda ku jid mari lahaayeen. Safaraydii kalena waxa ay qaateen Kiishash ka fudud kan Axmed uu qaatay.
Safarkii ayaa bilaawday, qof kastana dhabarka ayuu saartay Kiishkii uu soo qaatay, Safaraydii markay arkaan Axmed oo Kiish culus wada, way qoslayeen , iyagoo markaa dhahaya: "Kiish fudud muxuu iskaga qaadan waayay!".

Waxaa laga gaaray xiligii Qadada, Axmed Kiishkii ayuu dhigay si uu ugu qaybiyo Rootiga, markii ay dhamysteen qadadii, Safarkoodii ayay sii wateen, Axmed culayskii u waday kala bar (Nus) ayaa ka dagay.

Mar kale Safaryadii waxay u istaageen Casho, Axmed Kiishkii ayuu dhigay Si uu ugu qaybiyo Rootiga haray, wuuna u qaybiyay, Hada Kiishkii u waday waa maran yahay (faaruq), Halka Safaraydii kalena ay culayskooda wali sii wadaan.

Safaryadii Waxaa u cadaatay Go'aankiisii xariiftanka ahaa, waxayna isku sheeg sheegayeen inuu Caqliloow yahay.

Oraahda Sheekada:: Go'aan kasta oo aad gaaraysid, Ka fikir waxa dhici-doona.

Waxaa Qoray Abdirahman Looskey



 

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro
Shilinkaabe | Lacagaha ku qoro

Words Note App | Qoro Erayada cusub

Words Note App | Qoro Erayada cusub
Words Note App

Like Us On Facebook

Loogu aqris badan yahay

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD Waxaa jirta waddooyin badan oo lagu baran karo luuqadda aad rabto (English), waxaad ku baran kartaa    1. Aqrin ...

Kuwo laga yaabo inaad xiisaynayso