Gabadhii Caanooleyda ahayd! (Sheeko + Xikmad)
Sheeko Xikmad Leh
Hadda ka hor, Gabar caanoley ah waxay ku noolayd Tuulo aad u yar, Aroor kasta waxa ay Maali(Lisi) jirtay Sac, suuqa ayayna u qaadi jirtay caanaha, si ay u iibiso.
Maanlin maalmaha ka mid ah Gabadhii waxay u socotay suuqa iyada oo xambaarsan baaldi ay caano ka buuxaan. "Maanta Saca caano badan ayuu isiiyay, Haddii caano badan uu isiiyo waxaan helayaa lacag badan" Gabadhii ayaa sidaa Hoos iska dhahday, iyada oo faraxsan.
"Lacagtaas waxaan ku gadan doonaa Digaagad, waxayna dhalaysaa ukumo, markay ukumaha fiiqmaan waxay noqonayaan Digaag aad u badan " Gabadhii wali fakirkii ayay sii waday. "Markaas ayaan ukumaha suuqa gaynayaa, waxaana ku iibin doonaa lacag fiican, Lacagtaas ayaan Digaag badan ku iibsan doonaa, Digaag badan waxay isiin doonaan Ukumo badan, Ukumo badana waxaan ku heli doonaa lacag badan, markaas ayaan taajir noqonayaa".
Sidaas iyadoo niyada iska leh, ayaa baaldigii caanaha ay ku jireen ka sibxaday(dhacay). Caanihii ay suuqa u wadayna way ka daateen.!
Waxaa Qoray Abdirahman Looskey
Waxaa Qoray Abdirahman Looskey