Sagaaradii Baxsatay! Sheeko+Xikmad
Galab galbaha ka mid ah, ayaa nin ugaarsade ah waxa uu ku mashquulsanaa cunida Ugaar uu soo ugaarsaday, markii uu cunidii dhameeyay ayuu geed hoos fariistay isaga oo nasanaya.
Intii uu nasniinada ku jiray waxa uu arkay Sagaaro si lama filaan ah ugu dhacday Dabin (siriq/shabaq) uu isaga dhigay, markaasuu niyada iska yiri: "caawa ugaar ma doonayo, sagaaradan ayaan ku cashayn!", wax yar markii laga joogay ayay Sagaaradii Dabinkii ka baxsatay.
Nin goobta ka dhawaa ayaa yiri: "War Sagaaradii way baxsatay! ", Ninkii ugaarsadaha ahaa ayaa yiri: "Ha iska baxsato, Awalba Hadda ma u baahneen!".
-----------------
Tani macnaheeda ayaa waxay tahay: Dadku aad uma daneeyaan waxaa ay sida fudud ku helaan, kaliya waxay aad uga fakaraan waxa ay ku dhibtoodaan. lkn adiga isku day inaad aad u danayso waxa aad u baahan tahay oo sida fudud aad hesho.
Xikmadda Sheekada ku jirta: Wixii si fudud lagu helo, Si fudud ayay ku baxaan!.
Waxaa sheekadaan idiin alifay, qorayna Abdirahman Looskey