Saaxiibka xun(Sheeko XIkmad leh)

SHEEKO XIKMAD LEH (Saaxiibka xun)

Bari baa waxaa wada noolaa qoys oo uu aabo u ahaa Oday caaqil ah, Maalin maalmaha ka mid ah ayuu carruurtiisa isugu yeeray si uu uga digo saaxiibada xun.


Waano dheer ka dib ayuu tusaale usoo qaatay; Mid ka mid ah carruurtiisa ayuu suuqa Cambe uga diray, Cambihii ayaa loo keenay, Waxaa uu ku daray Hal xabo oo jirran(Buko), wuxuuna carruurtiisa ku yiri:"Meel ayaan ku kaydin doonaa, ka dib waxa dhaca ayaan wada arki doonaa " Sallad ayuuna ku riday.


Maalmo ka dib ayuu carruurtiisii ku yiri: "Salladii iikeena!", Markii loo keenay ayuu ku yiri: "Eeg waxa ku dhacay Cambihii kale ee fiicnaay, waxaa qurmiyay oo kaliya Hal xabo oo horay u qurunsanaa!, Sidaas ayuu Saaxiibkaaga Xunna noloshaada saamayn ugu yeelan karaa!. "


#Maahmaah: dariskaaga caddaan iyo madoow intaan ka ahayn wuu ku qabadsiiyaa.
Waxaa qoray Abdirahman Looskey
sheeo xikmad leh
Sheeko xikmad leh


 

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro
Shilinkaabe | Lacagaha ku qoro

Words Note App | Qoro Erayada cusub

Words Note App | Qoro Erayada cusub
Words Note App

Like Us On Facebook

Loogu aqris badan yahay

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD Waxaa jirta waddooyin badan oo lagu baran karo luuqadda aad rabto (English), waxaad ku baran kartaa    1. Aqrin ...

Kuwo laga yaabo inaad xiisaynayso