Oday, Wiilkiisa iyo Dameerkii

SHEEKO XIKMAD IYO QOSOLBA LEH

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa suuqa soo aaday Wiil iyo Aabihiis, iyo Dameer ay rabeen inay suuqa u iib geeyaan. 

Iyaga oo lugaynaya ayaa waxaa ka hor imaaday laba qof:"Maxaad u lugaynaysaan adinka oo Dameer wata? Maad raacdiin?!" sidaas ayay ku dheheen. Duqii ayaa Wiilkiisa ku yiri: "bal adigu fariiso oo dameerka wad aabo!".

In cabaar ah markii ay socdeen ayay waxay arkeen Haweeney ku calaacalaysa "Ceeb badanaa wiilku, isaga ayaa Dameerka wadaya, Aabihiina wuu lugaynayaa!". sidaa darteed Wiilka dameerkii ayuu ka degay, Duqii ayaana raacay/kaxeeyay Dameerkii.

Mar kale ayay wadada qof ku arkeen:"Maskiin!, waa maxay Duqa aan naxariista lahayn, wiilkiisa ayaa lugaynaya isagana Dameerka ayuu Wadaa!" qof ayaa sidaa ku yiri. Markaana labadooda ayaa raacay Dameerkii.

Qof kale ayay wadada dhexdeeda ku arkeen:"Xaasidsanaa!! Waxay rabaan inay dameerka miskiinka ah dilaan" sidaa ayuu qofkii kalena ku yiri.

Markii hadalkaa maqleen ayay labadoodiiba dameerkii ka degeen, waxayna go'aansadeen inay xambaaraan!. suuqii markii ay soo galeen ayaa dadkii oo idil layaabeen oo ay ku maadaysteen.

:: Dadka oo dhan ma qancin kartid!.


Waxaa qoray Abdirahman Looskey
sheeko xikmad iyo qosolba leh
sheeko xikmad iyo qosolba leh

 

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro
Shilinkaabe | Lacagaha ku qoro

Words Note App | Qoro Erayada cusub

Words Note App | Qoro Erayada cusub
Words Note App

Like Us On Facebook

Loogu aqris badan yahay

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD Waxaa jirta waddooyin badan oo lagu baran karo luuqadda aad rabto (English), waxaad ku baran kartaa    1. Aqrin ...

Kuwo laga yaabo inaad xiisaynayso