Quursi - Xikmad + Sheeko

Sheeko Xikmad Leh - Libaax iyo Dooli

Sheeko Xikmad Leh

Waxay ahayd barqo, Boqorka kaynta (Libaax) waxa uu jiifay geed har wayn, mar ay hurdadii meel fiican u maraysay, ayaa waxaa u imaaday Dooli (jiir) , waxa uu bilaabay inuu ku dul bood boodo libaaxii,Libaaxii ayaaa Si dhaqso leh ku qabtay Dooligii.

Dooligii ayaa ku cabaaday: "Mudane iska kay cafi, mar dambe makugu ciyaari doono, Mana iloobi doono abaalka ii gashay, Maalin uun ayaa kuu gudi doonaa!!". Libaaxii ayaa ku qoslay: "War ma adiga ayaa abaal ii gudi doona!!!". isaga oo quursanaya ayuu sii daayay.

Maalin maalamaha kamid ayaa ugaarsato waxay Shabaqa ku riteen Libaaxii, geed waynna way ku xireen, isla markiiba waxaa meel fog ka arkay Dooligii, xaggii Libaaxa ayuu usoo orday wuxuuna bilaabay inuu Xargihii shabaqa jarjaro, ugu dambeentiina wuu ku guulaystay. Libaaxii ayaa u riyaaqay, wuuna u mahadceliyay.

Xikmada sheekada: Waligaa qofna ha quursan, sababtoo ah ma ogid awooda u qarsoon..
Waxaa Qoray Abdirahman Looskey 
Sheeko xikmad leh
Xikmad

 

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro
Shilinkaabe | Lacagaha ku qoro

Words Note App | Qoro Erayada cusub

Words Note App | Qoro Erayada cusub
Words Note App

Like Us On Facebook

Loogu aqris badan yahay

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD Waxaa jirta waddooyin badan oo lagu baran karo luuqadda aad rabto (English), waxaad ku baran kartaa    1. Aqrin ...

Kuwo laga yaabo inaad xiisaynayso