Saddex wiil oo saaxiibbo ah Sheeko xikmad leh

 Saddex wiil oo saaxiibbo ah sheeko xikmad leh

Waxaa jiray saddex wiil oo saaxiibo ah, maalin maalmaha kamid ah ayay go'aansadeen inuu qofkasta oo iyaga kamid ah uu hal arrin joogteeyo 10ka sano ee soo socota, si ay natiijada u arkaan mar dambe.


Kii koowaad baa yiri: "anigu waxaan joogtaynayaa hal xabbo oo doolshe ah".

Kii kalena wuxuu yiri: "aniguna 15 push-up (aalamiito) ayaan joogtaynayaa 10ka sano ee soo socota".

Kii seddexaadna: "aniguna 10 daqiiqo ayaan wax aqrinayaa".


Wuxuu waqtigu socdaba... waxaa soo wareegatay 10kii sano, waana waqtigii la sugayay natiijada.


Kii koowaad waxaa u kordhay hilib (wuu cayilay). Kii labaadna wuxuu noqday qof dhisan jir-ahaan. Kii saddexaadna wuxuu noqday aqoonyahan cilmi seynis (scientist).

-------------------------------------------

Murtida sheekada laga fahmayo waa: haddii aad joogtayso arrin oo aad maalin kasta samayso habayaraadee, wuxuu noqon doonaa wax miro leh. 


Tusaale ahaan: haddii aad maalin kasta barato 5 eray oo kugu cusub oo aad joogtayso, jaa waxaad baratay 150 eray bishii...

Ma ubaahan tahay inaad diwaan gashato erayadaada cusub, si aad u hormariso luuqadda aad baranayso? Fadlan dagso Appkaan, oo HALKAAN RIIX, ama Sawirka erayada cusub ku qoran ee hoose.

Xigasho sheekada: Omir Dzelilovic

Qoray: Abdirahman Looskey


SADDEX_WIIL

Words Note App

Words Note App



 

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro
Shilinkaabe | Lacagaha ku qoro

Words Note App | Qoro Erayada cusub

Words Note App | Qoro Erayada cusub
Words Note App

Like Us On Facebook

Loogu aqris badan yahay

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD Waxaa jirta waddooyin badan oo lagu baran karo luuqadda aad rabto (English), waxaad ku baran kartaa    1. Aqrin ...

Kuwo laga yaabo inaad xiisaynayso