Qolkii la furi waayay (Sheeko)

SHEEKADA QOLKII LA FURI WAAYAY


Hadda ka hor ayaa nin oday ah wuxuu imtixaanayay saddex wiil oo uu dhalay, si uu u ogaado midka ugu howlkarsan. Waxaana lakala oran jiray Guure, Bariise iyo Warsame.

Maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu soo qaatay qunful, wuxuuna ku dhajiyay iridka qolkiisa lkn ma uusan xirin.

Isaga oo jalbeebsanaya ayuu arkay Guure wuxuuna kuyiri: " Aabo, guriga aad, qolkayga gal, tusbaxa sariirta saaran iisoo qaad".

Guure guriga ayuu aaday, wuxuuna arkay qunful ku xiran qolka Aabihii. Ismadhibine, wuxuu usoo laabtay meeshuu Aabbe joogay oo uu u sheegay inuu qolku xiran yahay.

Misana Bariise ayuu isna u tusbixii uga diray qolkiisa, wuuna usoo laabtay isagoo dhahaya: "Aabbo, qolku wuu xiran yahay".

Warsame ayuu isna udiray, balse markuu arkay qunfulka wuxuu iskudayay inuu xaqiijiyo in uu xiran yahay iyo inkale, qunfulkii ayuuna liiliijiyay. Wuxuuna Aabihii uyimid isaga oo tusbixii usida.

Halkaas ayuuna Aabbe Samatar ku ogaaday inuu Warsame waxqabad dheer yahay kuwa kale.

Sheekadan waxaan ka baran karnaa: waxkasta oo umuuqda inay xiran yihiin waxay ubaahan yihiin tallaabooyin yaryar si ay u furmaan.

Bal adiguna daqiiqad barkeed sheekadan suurayso.

Qoridda iyo Fikirka: Abdirahman Looskey.

Sheekada qolkii la furi waayay



 

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro
Shilinkaabe | Lacagaha ku qoro

Words Note App | Qoro Erayada cusub

Words Note App | Qoro Erayada cusub
Words Note App

Like Us On Facebook

Loogu aqris badan yahay

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD Waxaa jirta waddooyin badan oo lagu baran karo luuqadda aad rabto (English), waxaad ku baran kartaa    1. Aqrin ...

Kuwo laga yaabo inaad xiisaynayso