Sidee u baddali kartaa Noloshaada?

 Sidee u baddali kartaa Noloshaada?


Ugu horrayn, waxaan kuugu hambalyaynayaa sida aad ujeceshahay inaad isbaddal nololeed samayso.

Intaa kadib, waxaa is-waydiin mudan, sidee nolosha loo badali karaa?

Run ahaantii jawaabtu way fududahay, balse shaqada lagaa rabo ayaa ubaahan karti iyo go'aan dhab ah.

Sida ay dad badani sheegeen, Nolosha qofka waxaa door muhiim ah ka ciyaara dhaqamadiisa ama caadooyinkiisa uu sida maalinlaha ah uu u sameeynayo. 

Haddii ay caadooyin xun xun yihiin waxay qofka u horseedaan mustaqbal uusan jeclayn, dhibaato nololeedna u keeni kara.

Haddii ay caadooyin wanaagsan yihiinna wuu ku faanaa, wayna farxad geliyaan markasta oo uu sameeyo, waxayna u horseedaan mustaqbal ifiya.

Waxaad arkaysaa qof soo kacaya subax kasta gabbalkuna udhacaya isagoon samaynin wax uu ku faani karo (habayaraadee). Taa badalkeedana samaynaya caadooyin dib u dhigaya horumarkiisa.


Iyo qof kale, subax kasta waxaa u qorshaysan hadafyo uu rabo inuu gaaro maalinkaa, markuu gabbalku dhacana wuxuu la xisaabtamayaa naftiisa. Way farxad gelinaysaa markuu fuliyo howl maalmeedkiisa, hadii uu gaari waayana wuxuu canaananayaa naftiisa.


Sidaa darteed, caadooyinka uu qofku caadaysto waxay badalaan noloshiisa, caadooyinka wanaagsan waxay qofka ka dhigaan mid iftiin kujira markasta, caadooyinka xunna waxay qofka ka dhigaan mid mugdi ku jira.


Haddaba, waxaa habboon inaad yeelato jadwal maalinle ah, waxaadna ku qoran kartaa warqad yar oo darbiga qolkaaga aad ku dhajisan karto.

Jadwalkaaga wuxuu kuu horseedi karaa inaad yeelato caadooyin wanaagsan, hadii aad caadooyinkaaga wanaajiso noloshaadana waxay noqonaysaa midda aad rabto.

Ama Appkaan mobilkaaga ku shubo, kuna qoro jadwalkaaga, si aad iskulasocoto. Sawirada hoose riix, ama HALKAN RIIX , si aad u dagsato.

HADDA AYAAD ISBADDALI KARTAA.

Sidee u badali kartaa Noloshaada


Appka 247 iJaby



Samayso jadwalkaaga



 

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro

SHILINKAABE | Lacagaha ku qoro
Shilinkaabe | Lacagaha ku qoro

Words Note App | Qoro Erayada cusub

Words Note App | Qoro Erayada cusub
Words Note App

Like Us On Facebook

Loogu aqris badan yahay

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD

KU BARO ENGLISH-KA SI FUDUD Waxaa jirta waddooyin badan oo lagu baran karo luuqadda aad rabto (English), waxaad ku baran kartaa    1. Aqrin ...

Kuwo laga yaabo inaad xiisaynayso